ugu yaraan 20 qof ay dhintay kadib markii weerar dhinaca cirka ay fuliyeen xulafada uu sucuudigu hogaamiyo, duqaytan ayaa ka dhacday meel u dhaw waqooyiga yemen oo ay ka socotay munaasibad aroos waxana ku jirta dadkaasi dhintey caruusadii arooskeeda la joogay.

kalkaaliyaal caafimaad iyo dadkii ka agdhawaa gobtan uu weerarkani ka dhacay oo lagu magacaabo Bani Qais ayaa sheegay in ku dhawaad 30 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.
Xuutiyiinta ka dagaalanta dalkan yemen ayaa ku eedeeyay weerarkani isbahaysiga uu hogaamiyo sucuudigu iyagoo sheegay in ay sucuudigu taageerayaan dawlada yemen, waxa ay na ku sii dareen in sucuudigu sabab u yahay dagaalka sokeeye ee sadexda sano ka socoda dalka yemen.

Afhayeen u hadlay isbahaysiga sucuudiga ayaa sheegay in ay wadaan baadhitaan la xidhiidha arintan, isagoo sheegay in aanay marnaba qorshaha ugu jirin in ay waxyeeleeyaan dadka rayidka ah, balse kooxo u dooda xuquuda aadanaha ayaa ku eedeeyay xulafada sucuudigu hogaamiyo in ay weeraro ku qaadeen goobo dadku iskugu imaadaan sida suuqyada, goobaha waxbarashada, goobaha caafimaadka iyo goobaha dadku ku barakacaan.

Al-masirah Tv oo ay xuutiyiintu maamusho ayaa tebiyey war sheegaya in diyaarado dagaal soo qaadeen laba weerar oo isxiga iyaga oo bar-tilmaameed saday goob ay ka dhacaysay xaflad aroos oo u dhaw tuulada Al-raqa taasi oo ay ay ka gacanta ku hayaan kooxaha falaagadu, iyada oo 90 kilomitir kaga beegan woqooyi galbeed magaalada sanca.

Madaxa cisbitaalka dawlada ee magaaalada hajja ayaa sheegay in ay soo gaadhan kudhawaad 40 qof oo mayd ah iyo 46 kale oo dhawaac ah, 30 kamid ahina ay ahaayeen caruur.

dadka dhintey ayaa la sheegay in ay u badnaayeen dumar iyo caruur ka soo qaybgalay xafladani, iyado dadkaasina ay ka mid ahayd gabadhii caruusada ahayd.
In kabadan 5,970 qof ayaa la dilay halka 9,490 kalena la dhaawacay tan iyo intii rabshaduhu ka bilaabmeen dalka yemen.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga