warsaxaafadeed kasoo baxay wasaarada arimaha dibadda somaliland ayaa ay dawladda somaliland kaga soo horjeedsatay iskaashi ay samaynayaan wadamada ku hareraysan badda cas oo ku aadan ilaalinta badda.

warsaxaafadedka ayaa u dhignaa sidan:
“jamhuuriyadda somaliland waxay u aqoonsantahay go’aankii dhawaan kasoo baxay lixda dal ee ku hareeraysan badda cas iyo gacanka cadan ee ku aadanaa samaynta iskaashi u dhexeeya wadamadan mid aan dhamaystirnayn hadii ay ka maqantahay somaliland.

somaliland waxay si buuxda dhulkeeda iyo biyaheedaba uga ilaalisay argagixisada iyo budhcad badeeda, iyadoo aan marnaba cid udabafadhiisanayn ammaanka xuduud-badeedkeeda oo dhan 850km.

somaliland waa dal madaxbanaan oo xor ah, heshiis kasta oo dhex mara dawladaha gobolka isla markaana dawladda somaliland u tixgalinaya inay tahay gobol ka tirsan somalia waa gef, mana aqbalayso somaliland.

ugu danbayn warsaxaafadeedka ayaa lagu yidhi JH
si kastaba ha ahaatee, waxaanu soo dhawaynaynaa iskaashi kasta oo ka qayb-qaadanaya ammaanka iyo barwaaqada gobolka iyadoo aan wadanna lagu xadgudbayn madaxbanaanidiisa”

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga