ilaa 168 qof ayaa ku dhintay, halka dad ka badan 700 oo qof ay ku dhaawacmeen duufaano ka dhacay dalka ku yaala koonfur-bari qaarada asia ee indooniisiya.

muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa lagu arkayay baar lagu tumanayay oo ay biyuhu qarqiyeen, halkaas oo ay ku dhinteen dad aad u tiro badan. biyaha ayaa qaaday boqolaal guryo iyo huteelo ah oo ka ag dhawaa marinka sunda.
ilaa 30 qof oo kale ayaa la’yahay sida ay ku warantay hayadda maaraynta musiibbooyinka ee dalka induniisiya.

khubarada dhulka iyo cimilada ayaa sheegay in mashqada ay sabab u tahay; jexxjeexyada badda hoosteeda ee uu sababay fulkaanaha ka dhaca jasiirada fulkaanaha lagu yaqaano ee Anak Krakatau.

khasaaraha ugu baday wuxuu ka dhacay deegaanka Pandeglang oo ka tirsan gobolka Banten ee jasiirada Java, halkaas oo ay biyuhu baabiyeen xeebo caan ahaa iyo beer wayn oo ay magaaladu lahayd. ilaa 33 ka mid ah dadka dhintay ayaa ku dhintay deegaankan.

dhanka kale, boqolaal qof oo ka tirsan shacabka magaalada Bandar Lampung oo dhacda koonfurta jasiirada Sumatra, ayaa qoxooti ahaan u degay xafiiska badhasaabka gobolka, iyagoo kasoo cararay guryahoodii.
mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa ku waramay in biyuhu ay ku socdeen joog gaadhaya 3 mitir, muuq-baahiyaha metrotv ee dalka indooniisiya ayuu u sheegay in wali la la’yahay dad badan oo ay qaraabadoodu baadi-goobayso.

sawiro laga qaaday dhulka mashaqadu ka dhacday ayaa lagu arkayay; wadooyin badan oo ay xidheen hadhaaga guryihii burburay, gawaadhi qalibantay iyo dhir soo dhacday.

dawladda ayaa dadka deegaanka iyo dalxiisayaasha u digtay, iyadoo sheegtay in ay ka fogaadaan dhulka xeebta ah ee u dhaw marinka sunda, illaa inta laga gaadhayo 25-ka bisha december oo ku beegan laba maalmood ka bacdi.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga