Ururka ONLF Ayaa Sheegay In Xubno Ka Tursan Ururka ay Magaaladda Adis ababa Kulan Kula Yesheen Madaxwaynaha Cusub Ee Dawlad Degaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar,

ONLF Ayaa Sheegtay in ay Si Buuxda U Garab Taagan Yihiin Madaxwaynaha Cusub Ee Loo Doortay Dawlad Deegaanka Somaalida, Iyaga Oo Uga Digay Dawlada Dhaxe Ee Ethopia In ay Soo Fara Galiso arimaha Gobalka Soomaalida.

Afhayeenka Ururka ONLF Oo Kulanka Kadib La Hadlay Warbaahinta Ayaa Yidhi,..”Mowqif Kayaga, Waxaan U Aragnaa nin Dhalinyaro Ah Oo Hay’Addo Caalamiya Kasoo Shaqeeyay, Oo Waddaniyad aaminsan.

Cadaani Hirmooge Afhayeenka Ururka ONLF Ayaa Sheegay In Madaxwaynaha Cusub ay Ka Midaysan Yihiin Midnimada Dadka Somaaliyeed, Midnimadda Dhulkooda,isaga Oo Cadeeyay In ay is afgarad Ka Gadheen Waxyaabihii ay ka Wadda Hadleen Waftiga Ururka ONLF iyo Madaxwaynaha Cusub Ee Dawlad Degaanka Somaalida.

Madaxweynaha Cusub Ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumad Cumar Ayaa Hore Balan Qaaday In Uu Ka Shaqayn Doono Sidii Loo Beddeli Lahaa Calanka iyo Magaca Dawlad-Deegaanka Soomaalida.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga