Xildhibaanadda Golaha Guurtida Somaliland Oo Maanta Ka Hadlayey Xaaladda Deegaanka Tukaraq Ee Gobolka Sool Iyo Dagaalka Ka Taagan aagaas Ayaa Maamulka Puntland Ku Edeeyay In Uu Ka Dhago Adaygay Go’aamo Ay Shegeen In Beesha Caalamku Kasoo Saartay Dagaalka Degaanka Tukaraq Oo U Dhexeeya Somaliland iyo Puntland.
Xildhibaan Maxmed Xaaji Cabdiraxmaan Gudoomiyaha Gudida Difaaca Iyo Nabadgalyadda Ee Golaha Guurtida Somaliland Ayaa Sheegay In Punland ay Si Cad Uga Leexatay Go’aan Beesha Caalamku Kasoo Saartay Xaaladda Degaanka Tukaraq Ee Gobalka Sool.
“Beesha Caalamku Xaaladda Ka Taagan Tukaraq Afar Qodob ayay kasoo Saartay Somaliland way Aqbashay waanay Fulisay dhamaan Shuruudahaasi, Lakiin Wali Waxaa Laga La yahay Fulinteedii Qaybta Kale,..” ayuu Yidhi Xildhibaan Maxmed Xaaji Cabdiraxmaan.
Dagaalka U Dhexeeya Somaliland Iyo Puntland Ee Ka Tagaan Degaanka Tukaraq Ee Gobalka Sool Ayaa Dhor Jeer Soo Noq Noqday Iyada Oo Ay Jirto Baqdin Ka Qabaan Dagaal Mar Kale Bilaabma.