Saraakiisha Sacuudiga Iyo Xuutiyiinta Ka Dagalama Dalka Yeman Ayaa Dhowr Wada Hadal Oo Qarsoodi Ah Galay Dhammaadka Toddobaadkan, Sida Lagu Sheegay War-Saxaafadeed.ay Qortay Wakaalada Wararka Ee Reuters.

Dhinacyada Dagaalamaya Ayaa Ka Wada Hadalay Siyaabaha Looga Hortagi Karo Colaadda ay Ka Baxsadeen 22 Milyan Oo Reer Yaman Ah Oo Baahi Weyn U Qabay Gargaarka Bani’Aadamnimada,

Dagaalka Ka Yeman Ayaa Waxaa Ku Dhintay 10,000 Oo Qof, Halka Malaayiin kalena Ayaa La Kulmay Macaluul,

Diblomaasiyiin U Dhashay Dalka Yeman Ayaa U Sheegay Wakaalada Wararka Ee Reuters In Wadahadaladu Soconayaan Laba Bilood.

Wadaxaajoodyadani Waxay Daba Socdaan Dadaallo Dhexdhexaadin Ah Oo U Dhexeeyay Dawladda Yemen Iyo Xuutiyiinta.

Labada Dhinacba Wali Kama Aysan Hadlin Warbixinta Ay Qortay Wakaalada Wararka Ee Reuters.

Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay Ayaa Khamiistii Sheegay In 22,2 Milyan Qof Oo Reer Yaman Ahi – Ay U Baahan Yihiin Gargaar Bini’aadannimo,

Qaramada Midoobay Waxay Welwel Ka Muujiyeen Weerarrada aan Kala Sooca Lahayn Ee lagu Burburinaayo Dadka Rayidka Ah Sidoo Kalana Lagu Waxyeelaynaayo Kaabayaasha Dhaqaalaha.

Sidoo Kale Golaha Amaanka Ayaa Ugu Baaqday Dhammaan Dhinacyada Dagaalamaya In Ay “Ixtiraamaan Ayna Ilaaliyaan Dugsiyada, Goobaha Caafimaadka Iyo Shaqaalaha”.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga