Dowladda Somalia Ayaa Maanta La Wareegtay Dugsigii Tababarka Jen Gordan Oo Ay Hore U Maamulayeen Saraakiishii Imaaraadka Ee Tababarka Siinayay Ciidamada Soomaaliya.

Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Ayaa Si Rasmi Ah Ula Wareegay Ciidamadii Halkaa Ay Ku Tababarayeen Imaaaraadka Iyo Gadiid Ka Kooban 25 Gadhi Oo Ka Mid Ahaa Agabkii Ciidamada Ee Halkaa Yaalay.

Abaandulaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jen Cabdullaahi Cali Caanood Ayaa Sheegay In Dowladdu Maanta Si Rasmi Ah Ula Wareegtay Xerada Jen Gordan Iyo Ciidamadii Halkaa Lagu Tababarayay Intaba, Waxaana Uu Meesha Saaray Warar Sheegayay In La Bililiqeystay Xerada Iyo Agabkii Militari Ee Yaalay.

Bilihii Ugu Danbeeyayba Waxaa Sii Xumaanayay Xidhiidhka U Dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya Iyo Imaaaraadka, Taasoo Keentay In Imaaraadku Joojiyo Howlihii Kala Duwanaa Ee Mudadda Dheer Ay Ka Soo Wadeen Gudaha Dalka Soomaaliya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga