Dhawr toban siyaasiyiin  Ingiriis ah oo ay ka mid yihiin  hogaamiyaha xisbiga Labour-ka Jeremy Corbyn  iyo duqa magaalada London Saadiq Khaan , ayaa  saxeexay warqad ay taageero ugu muujinayaa Ilhaan  Cumar iyo saddex haweena oo kale oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka  oo uu bartilmaameedsaday Madaxweyne Donald Trump.

 Warqada  oo ay soo saareen kooxda Ingiriiska ee la dagaalanka cunsuriyada  oo u badan mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka , ayaa lagu garab joogsaday Ilhaan Cumar ,Alexandria Ocasio-Cortez, Rashida Tlaib, iyo Ayanna Pressley, kuwaasoo  oo uu Trump Axadii soo jeediyey in ay ku laabtay dalalka ay halakeeyeen dambiyadu inkasta oo afarta saddex ka mid ahi ku dhasheen Mareykanka.

Waxa lagu  sheegau warqadu in  tahay cunsuriyad aan  lala xishoon oo lagu eekeeyay dadka aduunka  oo dhan , iyada oo gabdhaha Congress-ka ku jira  loo sheegay in loo hanweyn yahay loo lala jiro.

 Donald Trump  oo tagaeerayaasha  la hadlayey xilli ku jiray olole siyaasadeed , ayaa  markii uu wareeray gabdhaha aan midabka cadeyn ee ku jira Coongress-ka , waxa  loo tumay shacab.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga