Somaliland waxa ay sheegtay in guddida uu magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ee dib u heshiisiinta iyo wada hadalada Somaliland ay gef ku tahay madaxbanaanida Somaliland.

War-saxaafadeed uu ku saxeexanyey af-hayeenka Madaxtooyada Maxamuud Warsame Jaamac , ayaa lagu sheegay in Somaliland ay Soomaaliya kula garnaqsan doonto fagaare beesha caalamku goob joog ka tahay.

Waxa soo jeediyay dawladda Soomaaliya in ay garwaaqsato in la kala yahay laba dal oo kala madaxbanaan sida war-saxaafadeed lagu sheegay , isla markaana ay burburttay midnimadii labada dhinac 1960-kii.

Somaliland ay ku eedaysay xukuumada Soomaaliya in ay Somaliland ku soo qaaday weerar siyaasadeed, dhaqaale, bulsho, iyo mid Diblomaasiyadeed iyagoo meel kasta oo ay Somaliland ka hesho taageerada mashaariicda horumarineed, maalgelinta marsada Berbera iyo iibka xoolaha Somaliland-ba ku ah duulimaad.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo , ayaa maalintii shalay magacaabay guddida dib heshiisiinta iyo wada hadalada Somaliland.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga