ugu yaraan 20 Ruux ayaa ku dhintay Qaraxyo is xig xigay oo ka dhacay Caasimadda somalia ee magaaladda muqdisho.

Qaraxyaddan ayaa ahaa laba gaadhi oo lagasoo Buuxiyey walxaha qarxa, isaga oo qaraxa ugu wayni uu ka dhacay afaafka hore ee Hotel Saxafi kaas oo kasoo Horjeedda Xarunta Danbibaadhista Somalia ee (CID)-da.

“Waxan helnay in ka badan 20 qof oo ku dhintey Qaraxa, kuwaas oo inta badan ay ahaayeen dad rayidka ah iyo qaar ka mid ah ilaalada ammaanka Hotel Saxafi,” ayuu u sheegay wakaaladda Wararka ee AFP Sarkaal sarre oo ka tirsan Booliska Somalia.

Wararka ayaa sida oo kale sheegaya in Qarax sadexaad uu ka dhacay dariiq aad u cidhiidhi ahaa sidda ay xaqiijiyeen Goobjoogayaal.

Qaraxan ayaa la sheegay in lagu Bartilmaameedsanayey hoteel saxafi oo ah Hotel ay degan yihiin mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Somalia.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga