Booliska itoobiya ayaa la sheegay in uu helay xabaale wadareed ay ku aasan yihiin maydad gaadhaya 200 oo ruux, helitaanka xaabal wadareedkan ayaa daba socoto baadhitaan lagu wado dambiyadii ka dhanka ahaa xuquuqda aadanaha ee lagu edeeyay madaxweynihii hore ee ismaamulka soomaalida, cabdi maxamuud cumar.

Cabdi maxamuud cumar oo ku xidhan adis ababa ayaa waxaa ku socota dacwado dhawr ah, oo ay ka mid yihiin dilka dad shacab ah iyo ku tumashada xuquuqda aadanaha iyo waliba dacwado la xidhidha dagaaladii dhex maray qowmiyadaha oromada iyo soomaalida.

Booliska itoobiya ayaa rumaysan in xabaal wadareedkan, ay ka dambeeyeen ciidmada ismaamulka soomaalida, ee liyuu booliska.

Colaadda soomaalida iyo oromada, ayaa xoogaysatay dhammaadka sannadkii 2016-kii waxaana colaaddaas oo illaa haatan meelaha qaar ka taagan ku dhintay dad badan, iyada oo dad ku dhaw milyan ay ku barakaceen colaadaasi.

Raysal wasaaraha itoobiya oo ka soo jeeda qowmiyadda oromada wali xal waara kama uu gaadhin colaaddan, waxaana laga cabsi qabaa in xilli kasta ay soo laba kaclayso.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga