Dawladda Itoobiya iyo Midawga Yurub ayaa Kala Saxeexday heshiis uu Midawga Yurub ugu Deeqayo $22 Million dawladda Itoobiya.

Admasu Nebebe, Wasiirka Dhaqaalaha Dalka Itoobiya iyo Erik Habers, Madaxa Iskaashiga ee Midawga Yurub u Qaabilsan Dalka Itoobiya ayaa Si Wda Jira u Saxeexay Heshiiska.

Deeqdan ayaa Loogu Talagalay in Wax Lagaga Qabto Caafimaadka iyo Nafaqaynta Muwaadiniinta Itoobiyaanka ah, iyadoo Si Gaar ah Loo Xusay Dumarka, Gabdhaha da’doodu yartahay iyo Caruurta Ka Yar 5-Sanno.

Deeqda ayaa Sidoo Kale La Sheegay in Lagu Taageerayo Dedaalada ay Wado Dawladda Federaalka Itoobiya si baa Layidhi loo Yareeyo Faqriga, isla Markaana Kor Loogu Qaado Badqabka nidaam Caafimaad Tayo Leh.

Dhanka kale Barnaamijka ayaa Diirada Saaraya Gobolada Afar, Benishangul-Gumuz iyo Gambella oo La Sheegay in Dib u hayabayn Lagu Samaynayo adeegayda Caafimaadka ee ay Helaan Dadka Ku Dhaqan Goboladaas, Sidoo Kalena loo Yareeyo Caadooyinka Halista ku ah Caafimaadka ee Ka Jira Deeganadaas.

Kaalmadan uu Midawga Yurub Siinayo Dawladda Itoobiya, ayaa Kusoo Beegmaysa Xili uu Maamulka Raysal wasaare Abiy Ahmed Wado dib-u-habayn Lagu Samaynayo Dhaqaalaha Itoobiya. 2.3billion oo Birr ayay Dawladda Itoobiya u Qorshaysay in ay Wax kaga Qabato Biyaha, Tamarta iyo Tacliinta ay u Baahanyihiin Shacabka Itoobiya. %75

Dhaqaalaha Lagu Bixinayo Mashaariicdaas ayaa Laga Bixinayaa Cashuurta Laga Qaado Dadka, Halka %25 Laga Buuxin Doono Kaalmooyinka ay Itoobiya Ka Hesho Dibadda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga