Dowladda Afghanistan ayaa Soo dhawaysay Qorshe La Sheegay in Maraykenku ku dhimayo ciidamadiisa Nabad Ilaalinta u Jooga Dalka Afgaanistaan, Masuul u Hadlay Dawladda Afgaanistaan ayaa sheegay in ciidamada ammaanka Afghanistan ay awoodaan inay dalkooda ay difaacaan.

Ciidamada Maraykenka ee ku Sugan Waddanka Afgaanistaan ayaa Gaadhaya 14,000 ee askari, Balse Saraakiisha Washington ayaa sheegaya in madaxweyne Trump uu ka fakarayo in uu Afghanistan kasoo saaro Kala Badh ciidamada Mareykanka.

Sidoo kale La-taliyaha sare ee madaxweynaha Afghanistan, ayaa sheegay in dhowr kun oo ciidan oo shaqadoodu ay tahay tababar aanay saameyn ku yeelan doonin ammaanka Dalka Afgaanistaan.

Ciidamada Mareykanka ee ku Sugan Dalka Afgaanistaan ayaa Kamida 20.000 oo ka Tirsan Ciidamadda NATO Kuwaas oo Shaqadoodu ay Tahay inay tababaraan ciidamada Afghanistan ee dagaalka kula jira Daacish iyo Taliban.

ilo Wareedyo ka agdhow Aqalka Cad ee Looga Arimiyo Dalka Maraykenka ayaa sheegaya in Qorshaha Mareykanka uu yahay in 7,000 oo askari ay ka Baxaan Afgaanistaan Bisha Janaayo, iyadda oo inta hadhayna ay Kasoo Bixi donaan Bilaha Xiga.

Arintan ayaa Kusoo Beegmaysa Xili uu Maalintii Shalay Madaxwayne Donald Trump Shaaciyey In Gabi Ahaanba uu Ciidamada Maraykenka Ka Saarayo Dalka Suuriya.

Senaterrada Xisbiga Jamhuuriga ayaa Arinta Madaxwayne Trump uu Ciidamadda Maraykenka Kaga Saarayo Suuriya Ku Tilmaamay Mid ay ka Xumaadeen iyaga oo Sheegay in Madaxwayne Trump uu garabkooda ka baxayo Kurdiyiinta iyo Wadamaddii Carabeen ee xulufada la aheyd.

Xoghayaha difaaca Mareykanka Jim Mattis oo Isaguna habeenkii Xalay ku Dhawaaqay in uu shaqada ka tagayo bisha February ayaa Ku Sababeeyay ka dib markii ay isku aragti ka noqon waayeen Madaxweynaha, Arinta Ciidamadda Maraykenka Lagaga Saarayo Suuriya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga