Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Ereteriya Isaias Afwerki oo kulamo wadatashi ah ku yeeshay Muqdisho ayaa ku heshiiyey in la xoojiyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.

Labada Madaxweyne ayaa isla Afgartay muhiimadda ay leedahay in la ballaardhiyo iskaashiga ku aaddan arrimaha ganacsiga, maalgashiga iyo xidhiidhka tooska ah ee labada shacab ee Soomaaliya iyo Ereteriya.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey dhiggiisa dalka Ereteriya Isaias Afwerki booqashadan taariikhiga ah ee uu ku yimid Soomaaliya iyo sida wanaagsan ee uu u ajiibay martiqaadkii rasmiga ahaa ee uu u fidiyey.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in booqashadan ay ka tarjumayso dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xaqiijinta iskaashi heer gobol ah oo lagaga gudbayo dhibaatooyinka nabad la’aanta, argagixisada, saboolnimada iyo xaalufka deegaanka ee uu wajahayo Gobolka Geeska Afrika.

Dhankiisa, Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran ee ay u fidiyeen isaga iyo wafdigiisa, waxaanu adkeeyey muhiimadda uu leeyahay xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada shacab.

Madaxweyne Isaias ayaa bogaadiyey, soona dhaweyey dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu dhisayo, laguna tayeynayo hay’addo amni oo ay Soomaalidu leedahay, kuwaas oo awood u leh in ay dammaanad qaadaan nabadda iyo amniga ay dadka Soomaaliyeed istaahilaan.

Labada Madaxweyne ayaa ku heshiiyey in ay sii wadaan abuuridda iskaashi xooggan oo dan u ah labada waddan iyo guud ahaan gobolka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga