Ra’iisal Wasaaraha Dalka Australia, Scott Morison, ayaa Sheegay in Dawladdiisu ay Galbeedka Magaalada Qudus u Aqoonsatay Caasimada Israa’iil, Balse Wuxuu Sheegay in aan Safaaradooda Ku Taala Magaalada Talaviv La Rari Doonin ilaa Inta La Gaadhayo Xal Nabadgalyo.

Canbera ayaaa Ku Biirtay Liiska Yar Ee Dawkadaha Madaxweyne Trump Ku Raacay in Qudus ay Tahay Caasimada Israa’iil. Raysal wasaare Morison ayaa Balanqaaday in Mustaqbalka ay Dal Madaxbanaan u Aqoonsan doonaan Dalka Falastiin, iyadoo ay Caasimad u Tahay ayuu Yidhi Bariga Qudus.

“Australia Waxay U Aqoonsatay Galbeedka Qudus in ay Tahay Caasimadda Israa’iil, oo ay tahay in ay Noqoto Xarunta Baarlamaanka iyo Hoyga Badi Hay’adaha Dawladda Israa’iil” Ayuu Yidhi Raysalwasaare Morison oo Ka Hadlayay Magaaladda Xeebta Ku Taala Ee Sydney.

Arinta Magaaladda Qudus ayaa Ka Mid ah Arimaha ugu Muhiimsan ee Dabadda Ka Riixaya Wadaxaaajoood ay Wada Yeeshaan Dawladaha Falastiin Iyo Israaiil.

Dawladda Israa’iil ayaa Magaaalda Qudus oo dhan oo ay Ku Jirto Qaybta Bariga oo ay Ku Qabsatay Dagaalkii Bariga Dhexe ee Sanadkii 1967-Kii u aqoonsan in ay Tahay Caasimadeeda, Balse Dawladda Falastiin oo Taageero Ka Helaysa Bulshada Caalamka ayaa Rabta in Bariga Qudus ee ay Yuhuudu Haysato ay Ka Dhigato Caasimadda Xili ay Raadinayaan in ay Helaan Dawlad Madaxbanaan oo adduunku Aqoonsanyahay.

Badi Dawladaha Caalamka ayaa Ka Gaabsaday in ay Safaaradda-hooda u Raraan Magaaladda Qudus, iyagoo Ka Cabsi Qaba in ay Dhaliso Xiisad Hor-Leh isla Markaana ay Burburiso Wadda hadalada Nabada, iyadoo Madaxweyne Trump uu Horaantii Sanadkan Kaligii u Raray Safaarada Maraykanka Magaaladda Qudus.

Ra’iisal Wasaaraha Australia, Morison ayaa Tibaaxay in Dawladdiisu ay Rabto in ay Xafiis Difaac iyo Ganacsi Ka Furato Daanta Galbeed ee Magaaladan Barakaysan

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga