Dawladda Soomaaliya ayaa Ka Hadashay Kulan ay Magaaladda Adis Ababa Ku Yesheen Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Ra;iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Axmed.

Soomaaliya Waxay Sheegtay in ay Soo Dhawaynayso Wadda Shaqayn Cusub oo Dhex Marta Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoo intaas ku Dartay in ay xoojineyso aqbalaadda Madaxweyne Muuse Biixi.

Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa la Filayey in uu Ku Biiro Kulanka Labadda Hogaamiye Ku Dhex Maray Adis Ababa Balse Taasi ma Aysan Dhicin.

Taa baddalkeeda Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Madaxwayne Muuse Biixi Ayaa la Sheegay in ay Ka Wada Hadleen  nabadda iyo is dhex galka gobolka Geeska Africa.

“Waxaan ka wada hadalnay siyaabaha lagu xoojinayo xidhiidhka labada dal iyo wada shaqeynta labada dal,” ayuu Madaxwayne Biixi ku yidhi Qoraal oo uu dhigay Bartiisa Twitterka ka dib kulanka.

Warbaahinta  dawladda Itoobiya ayaa sheegay in Madaxayne Muuse Biixi uu qiray dadaalka Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ee lagu xoojinayo is dhex-galka gobolka iyo in uu aqbalay baaqii ugu horreeyay ee xoojinta Xidhiidhka shaqo ee u dhaxeeya Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Somaliland waxay ku dhawaaqday inay ka madaxbannaan tahay Soomaaliya inteeda Kale 18-kii May 1991-kii.

Sannadkii hore, Soomaaliya iyo Somaliland waxaa Ka Dhaxaysay dagaal xagga Afka ah, ka dib markii ay Somaliland heshiis lagu maamulayo dekedda Berbera la Gashay Shirkad Laga Leeyahay Dalka Imaaraatka Carabta.

Heshiiska oo saddexaad oo la saxiixay bishii Maarso ee Sanadkii 2016-kii, Itoobiya waxay heshay 19% saamiga dekadda.

Soomaaliya waxay ku dhawaaqday inaan heshiiskaasi ‘waxba kama-jirin’ taas oo ay sheegeen in Somaliland aanay awood u lahayn in ay gasho heshiisyo caalami ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga