Shacabka Dalka Nigeria ayaa saaka u dareeray goobaaha codbiixnta, si ay usoo doortaan madxweynaha Hogaamin doona Afarta sanno ee soo socda. Illaa 120-Kun oo gobood ayay ka codayn doonaan dadku.

Madaxwayne Muhamed Bukhari iyo Madaxwayne ku xigeenkii hore ee dalka Nigeria Atiku Abubakar ayuu dhexmarayaa Hirdanka ugu adagi, iyadoo ay yihiin labada Murashax ee ugu cadcad doorashada.

Labada Musharax kii guulaystaaba wuxuu Waajihi doonaa, dhaqaale xumo, musumaasuq baahsan iyo cabsi ammaan oo ka jirta dalka nigeria oo ku yaalla galbeeeka Qaarada afrika.

Madaxeyne Buhari oo ka codeeyay magaaalo ku taala waqooyiga fog ee nigeria ayaa xusay in uu ku faraxsan yahay doorashada Rejjo wanagsanan ka qabo in uu guulaysan doono.

Tiro Gaadhaysa 73 murashax ayaa u taagan doorashada Madaxtinimadda, xili Dalka nigeria uu yahaya kan ugu dadka badan wadamda Qaarada afrika. Waxa ku nool dad kor u dhaafaya 190-Milyan oo qof.

Waxa lagusoo Waramayaa weeraro ka dhacay magaalada mai ee gobolka borno oo dhaca waqooyi bari dalka nigeria. Waa magaalo lagu yaqaano weerarda ay gaystaan dagalama-yaasha kooxda boko haram oo dagaal hubaysan kula jira dawladda nigeria.

84-Milyan oo ka mid ah shacabka nigeria ayaa loo diwaangalinaya doorashada Madaxtinimada, balse waxa codkooda dhiiban doona Dad lagu qiyaasay 73-Milyabn xili kaadhadh badan la gubay Qaarna la jajabiyay Deegaanda Qaar.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga