Doon soo badbaadisay 41 muhaajiriin ah yaa ku xidhatay jasiiradda lampedusa ee dalka talyanaiga. Iyadoo iska insha tirtay xaniibaada uu soo rogay wasiirka arimaha gudaha talyaaniga, mateo salvini, oo go’aamo adag iska taagay muhaajiriinta ;lagasoo badbaadiyo badda midetreanka.

Mateo salvini, wasiirka arimaha gudaha talyaaniga, oo kasoo jeeda xisboiyada midigta oo neceb soogalootiga iyo muslimiinta, ayaa hore u diiday muhaajirinta beegsanaysa gudaha talyaaniga. Isagoo hore u celiyay maraakiib soo badabadisay muhaajiriin ku xanibnaa gudaha badda meditreanka.

Doonta soo badbaadisay muhaajiriinta ayaa ku xidhatay jasiiradda oo ay ugu diyaarsanaayeen ciidamo badan ooo boolis ahi.

Ninka doonida waday ayaa sheegay in ay xaalad adag galeen, xili doonida oo loogu talo galay 18 qof ay kusoo badbaadiyeen muhaajiriinta oo tiradoodu ay dhamayd 41. Isla markaana ku dhawaad 60 qof ay doobtu siday.
Waxay ku qaraqmi gaadhay badda, waxaanan go’aansaday in aan kusoo xidhi lampedusa, ayuu yidhi ninka waday doonidu.

Muhaajiriinta ka cararaya faqriga iyo shqao la la’aanta ka jirta qaaradda afrika ayaa buuxdhaafiyay xeryaha qaxootiga iyo wadooyinka magaalooyinka talyaaniga.
Waxay badi imika wakhayaan siyaasadaha qalafsan ee xisbiyada midigta fog, iyo nacayb ay kala kulmayaan wadamada reer yurub oo badi quus ka taagan marti galinta muhaajiriin kale oo dheeraad ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga