Qof qaxoonti magangalyo doon ah oo diyaarad ka soo raacay dalka ETHIOPIA , ayaa laga helay garoonka diyaaradaha caasimada Sweden ee Stockholm , waxa uu la socday duuliimaad qaatay 10 saacadood oo ku soo hakaday magaalada Vienna . Waxa uu isku qariyey shixnad xamuul ahayd

Waxa la sheegay in uu yahay nin 27 jir ah oo u dhashay dalka ETHIOPIA , isaga oo codisi maganyal doon ah u gudbisatay dalka Sweden sida uu sheegay af-hayeenka ciidanka booliska Lars Bystrom , waxaana ay boolisku heegan geliyeen kooxaha caafimaadka deg deg ah , laakiin baadhitaan lagu sameeyay, ayaa lagu ogaaday in uu aanu u baahnayn daaweyn.

Waxa garoonka diyaaradaha ee Arlanda ka helay dad shandado ka dejinayay duulimaad ay lahayd shirkadda diyaaradaha ETHIOPIAN Airlines goor hore oo maalintii Isniinti ahayd sida ay sheegtay shirkadda Johan Live of Swedaviam ee ka hawlgasha garoonka .

Booliska ayaa bilaabay baadhitaan lagu ogaanayo in ay suuragal tahay in dad la soo tahriibiyo.

Bishii August ee sannadkii hore qof kale oo ka soo jeeda ETHIOPIA , ayaa ku soo dhuuntay shixnad duulimaad ku socday Stockholm , waxaana uu codsaday maganglyo iyada oo loo turjumayay , waxa uu isku qariyay shixnad oo lagag soo raray garoonka diyaaradaha Addis Ababa ee Bole .

Waxa uu haystay kaadh cadeeyay in uu ahaa shaqaale ka tirsan garoonka .

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga