Diyaarad Laga Leeyahay Dalka Imaraatka Carabta Oo Siday Lacag Fara Badan Ayaa Lagu Qabtay Garoonka Diyaaradaha Ee Magaaladda Muqdisho.

Wararka Nagasoo Gaadhaya Magaaladda Muqdisho Ayaa Sheegaya In Diyaaradan Oo Ka Timid Dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta La Socdeen Saraakiil Ka Tirsan Imaaraadka, Waxaana Saarnaa Oo Lagu Qabtay Sida Ay Xaqiijinayaan Ilo Xog-Ogaal Ah Cadad Lacageed Oo Dhan $ 9,600,000 ( Sagaal Milyan Iyo Lix Boqol Oo Kun Oo Dollar )

Tuhunka Ayaa Yimid Kaddib Markii Uu Muran Ka Dhashay Baaritaan Diyaarada Lagu Sameyn Lahaa kadib markii Diblomaasiyiin Ka Tirsan Safaarada Imaaraadka Oo Ku Sugnaa Garoonka Ku Doodeen In Ay Leeyihiin Xasaanad, Sidaa Daraadeed aan La Baadhi Karin Waxa Ay Diyaaradu Sido.

Ma Jiro Illaa Iyo Hadda Wax War Ah Oo Ka Soo Baxay Dowladda Soomaaliya Oo Ku Aadan Lacagtan Oo Laga War Hayay Inay Ka Soo Dageyso Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Lacagtan Ayaa Imaneysa Xili Dalku Uu Jiro Jahwareer Siyaasadeed Oo Ka Dhashay Mooshin Laga Keenay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Prof Maxamed Cismaan Jawaari, Dhinaca Kalana Bilihii Ugu Danbeeyayba Uu Jiray Shaki Weyn Oo Soo Kala Dhaxgalay Dowladda Dhexe Ee Soomaaliya Iyo Imaaraadka Oo Ku Eedeysan In Ay Gacan Taageero Siiso Siyaasiyiinta Ku Kacsan Dowladda Uu Madaxweynaha Ka Yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga