Suldaan Nadiif Saydh Jibriil Oo Ka Mid Ah Madax Dhaqameedka Somaliland Ayaa Maanta Lagu Xidhay Magaaladda Burco Ee Gobolka Togdheer.

Suldaan Nadiif Saydh Jibriil Waxa Uu Ka Mid Yahay Madax Dhaqameedka Beelaha Gabooye, Haseyeeshee Ciidanka Amnigu Kama Hadal Sababta Xadhigiisa Ka Dambaysay.

Xoghayaha Cadaaladda Ee Xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Xirsi Batun Ayaa Ka Hadlay Xadhiga Suldaanka, Waxaanu Ku Tilmaamay Xadhigaasi Mid Khalad Ah.

“Suldaan Nadiif Oo Ah Suldaanka Gabooye Ee Gobollada Berri Ayaa Hadda Saldhiga Burco Lagu Xidhay. Qofna Sharciga Kama Sarreeyo Waxaas’E Jirinba Fal Denbi Ah Oo Suldaanka Gacanta Kula Jiray Isagoo Aqalkiisa Jooga Ayaanay Ciidamaddu Soo Xidheen. Sida U I Xaqiijyey Garaadka Guud Ee Beelaha Gabooye Garaad Yoonis Garaad Haybe.

”Waxaan Ugu Baaqeyna Inu Odeygaas Dhaqan Xorriyadiisa Deg Deg Loogu Celiyo Gafkaa Laga Galayna Xaal Laga Siiyo. Sharciga Sallaadinta Kale Xidhi Waayey Ee Kan Xidhay Halkuu Ka Shaqeeya?”Ayuu Yidhi Barkhad Batuun.

Ciidanka Amnigu Kama Hadal Sababta Loo Xidhay, Waxaana La Filayaa Inay Saacadaha Soo Socda Ka Hadli Doonaan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga