Dalka itoobiya ayaa loo aqoonsaday waddanka ugu koboca sareeya dhanka Dalxiiska Dunidda.

Hayadda socdaalka iyo dalxiiska ee marka magaceeda lsoo gaabiyo loo yaqaano WTTC ayaa dalkan ku yaala bariga afrika ku tilmaantay in sanadkii 2018 uu horumar ka sameeyay dhanka dalxiiska.

Hayada ayaa sanad walba samasa qiimayntan.

48.6% ayuu kor u kacay dalxiiska itoobiya, sida xogururinta hayadduu sheegayso, tiradan ayaa kor martay celceliska koboca dalxiiska caalamka oo lagu qiyaaso 3.9% sanadwalba, iyo kan afrika oo lagu qiyaaso 5.6% sanadkii.

Hayada ayaa xustay in tan iyo intii la sameeyay waaxda dalxiiska itoobiya, ay smasya 2.2milion oo shaqo, halka dhaqalaha itoobiyna ay ku dartay 7.4b.

Sanadkii 2017 ayuu ku kordhay 2.2b.

Madaxa waxda dalxiiska ayaa tibaxday in dalkkeeda ay guul u tahay in snadkii 2018kii uu aha kan ugu horeeya dhanka socdaalka iyo dalxiiska marka la barbardhigo wadan kasta oo kale oo dunida ah.

Waxay intaa ku dartay in dhulka dabiicga ah ee itoobiya, dhaqamada kala duwan ee shucuubta itoobiyaanka ah iyo goobaha badan ee taariikhiga ahi ay soo jiiteen dalxiisayaasha oo ka kala yimid guud ahaan caalamka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga