Raysalwsaarihii dalka mali iyo dawladiisii ayaa xilka ka tagay, ka dib afar todobaad markii la xasuuqay dad 160 qof gaadhayay, oo lagu dilay weeraro isir ku salaysnaa.

Madaxweynaha dalka mali, ibrahim keta, ayaa raysaklwsaraha oiyo kooxda la shaqynaysaba ka aqbalay iscasiladooda.

War kasoo bxay xafiiska madaxweynha ayaa lagu sheegay in madxweynhu uu dhawaan sin degdeg ah usoo magacaabi doono raysalwsaare ucusb isagoo la tashnayo dhincyada siyaasadda iyo mucaarikda dalka mali.

Dawladii raysalwasare Soumeylou Boubeye Maiga ayaa ku duuldarasatay in ay wax ka qabato rabshadaha qabaailka u dhexeeya, iyo kooxaha hubaysan ee dagaalmaya.

Bishii march ayaa illaa 160 qof oo qabiilka fulani ka kasoo jeeday lagu xasuuqay tuulo lagu magacaabo ogosagu oo ku taala waqooyiga dalka mali.

Weeerarka tuulada ayaa sabab u ahaa sicasilaada xukuumadii raysalwasaare soumeylu, iyadoo dab la qabadsiiyay cooshado tiro badan, halka caruur iyo haweena lagu dilay weerarkaas.

Waxa sii kordhaya walaca laga qabo iska hor imaadad aqabaailka ee dalka mali, maadaama hal weerarl lagu dilayo ku dhawaad 200 qof. Madaxweynaha mali ayaa lagu canaantay in aanu talaabo wax ku ool ah ka qaadin weerarda sisirka ku slaaysan ee kusoo noqoqnya dalkiisa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga