Dagaalo Xoogan Oo Sababbay Dhimasho iyo Dhaawac Ayaa Ka Soconaya Degmadda Celefwayn iyo Degaanadda Hoos Yimaadda Kuwasoo U dhexeeyo Beelo Walaalo Ah Oo Wadda Daga Degaanaddaasi,

Dagaalkan Ayaa Bilaabmay Abaaro 9-Kii Subaxnimo Ee Saaka Iyadda Oo Goobta Dagaalka Ka Soconaya Ay Gadheen Ciidamo Ka Tirsan Somaliland,

Goobjoogayaal Ku Sugan Goobta Dagaalku Ka Socdo Ayaa Sheegay In 6- Ruux Oo Kasoo Kala Jeedda Beelaha Dagaalamaya Ay Ku Dhiteen Dagaalka,

Dhanka Kale Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Oo Saaka Ka Qaybgalay Xuska Maalinta Laanqayraha Bisha Cas Ayaa Fariin Baaqa U Diray Beelahan Ku Dagaalamaya Deegaanka Celefweyn Ee Gobolka Sanaag.

Baaq

Madaxweynaha Somaliland Oo Baaq Nabadeed U Diray Beelaha Walaalaha Ah Ee Dagaalku Ku Dhexmarayo Ceel Af-weyn.Hargeysa-09-05-2018-()-Mdaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo saaka ka qaybgalay Xuska Maalinta Bilaha Cas iyo Laanqayraha Cas ee 8-May oo maanta oo ay taariikhdu tahay 09.05.2018 lagu qabtay magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu fariin baaqa u diray beelaha walaalaha ah ee dagaalku ku dhexmarayo deegaanka ceel afweyn ee gobolka Sanaag.Waxaanu madaxweynuhu yidhi “waxa aan halkan baaq uga dirayaa beelaha ceel af-weyn ku dagaalamaya, dagaalkaas oo riiq dheeraaday oo saakana meelo badan ka bilaabmay, waxaan ugu baaqayaa dadkaa walaalaha ah ee islaynayaa inay dagaalka joojiyaan, dhiigga bilaa micnaha u daadanaya inay joojinayaan ayaan baaq dheer ugu dirayaa.Hadaa wararku ina soo gaadhayaan inay dhawr meelood saaka dagaal ka bilaabeen ceel afweyn, waana dagaal soo noq-noqday, qaranka Somaliland qofkasta oo xilkas ahna waxa aan ugu baaqayaa sidii nabad looga dhalin lahaa innaynu u wada guntano, way inagu riiqdheeraatay way soo noq-noqotay, waa dadkeenii, waa masiibo inagu dheeraatay, ilaahay waxan ka rajaynayaa in aynu nabaddeeda degdeg u xidhno oo aynu dhammaanteen isugu tagno”.

Slået op af Xafiiska Af-hayeenka M JSL i 9. maj 2018

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga