Madaxweynaha Iiraan Xasan Ruuxaani Ayaa Sheegay In Xukuumadda Tahraan Ay Daba Mari Doonto Mareykanka, Kalana Xaajoon Doonto Heshiiska Nuclearka Dalalka Kale Ee Sixiixayaasha Ahaa, Isagoo Sheegay In Ka Laabashada Maraykanka Ee Heshiiskaasi Uu Yahay Mid aan La Aqbali Karin.

Hadalka Ruuxaani Ayaa Yimid Kadib Markii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump Uu Ka Baxay Heshiiskii Nuclear Ee Lala Galay Iiraan Oo Uu Ku Tilmaamay Mid Dhibaato Keenaya.

“Hadii Ujeedooyinkii Laga Lahaa Heshiiska aan Ka Helno Dalalka Kale Ee Saxiixay, Sidiisa Ayuu Ahaan Doonaa.”Ayuu Tidhi Ruuxaani,

“Ka Bixidda Heshiiska, Mareeykanka Waxa Uu Si Cad Uga Hor Yimid Ballanqaadkiisii Heshiis Caalami Ah,” Ayuu Hadalkiisii Raaciyay.

Ruuxaani Waxa Uu Xusay In Aysan Marna Ogolaan Doonin In Heshiiskaasi La Burburiyo, Isagoo Yidhi “Waxaan Amray Wasiirka Arimaha Dibadda In Kala Xaajoojo Dalalka Yurub, Shiinaha Iyo Ruushka Todobaadyada Nagu Soo Aadan. Haddii Dhammaadka Mudadan Gaaban Aan Kusoo Gabagabeeyno, Waxaan Si Dhameystiran Uga Faa’Iideysan Doonnaa Heshiiska Wadajirka Ah Ee Jcpoa Ee Iiraan, Anagoo Garab Uga Heleeyna Dalalka Kale, Heshiiskuna Wuxuu Ahaan Doonaan Sidiisii.”

Donald Trump Ayaa Mudooyinkii U Danbeeyay Waday Dadaallo Ku Aadan In Uu Ka Laabto Heshiiska Nuclearka Ee Madaxweynihii Isaga Ka Horeeyay La Galay Dalka Iiraan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga