Askarta Israel Ayaa Toogtay Afar Qof Oo Falastiiniyiin Ah, Iyaga Oo Ku Dhaawacay In Ka Badan 950 Qof Xudduudaha Gaza, Inkastoo Madaxa Qaramada Ee Israel Uu Ku Booriyay Israel In Ay Joojiyaan Isticmaalka Wax Uu Ku Sheegay Awood Xad-Dhaaf Ah Oo Ka Dhan Ah Dibad-Baxayaasha Falastiiniyiinta.

Dadka Lagu Dilay Weerarka Ayaa Waxa Ku Jiray, Wiil 15 Jir Ah Oo Lagu Magacaabo Azzam Hillal, Waxaana Laga Toogtay Madaxa Intii Uu Socday Mudaharaad Ay Jimcihii Dhigeen Shacabka Reer Falastiin,

Siddeed Iyo Toban Ka Mid Ah Shaqaalaha Caafimaadka Iyo Suxufiyiinta Ayaa Ka Mid Ahaa Dadkii ku Dhaawacmay Weerarada.

Kumanaan Qof Ayaa Isugu Soo Baxay Xuuduudaha Gaza Kasoo Jimcihii Shanaad Soconaya Iyaga oo Dalbanaya inay Xaq U Leeyihiin Inay Guryahooda Ku Soo Noqdaan,

Ashraf Al-Qidra, Oo Ah Afhayeenka Wasaarada Caafimaadka Ee Gaza, Ayaa Sheegay In Ciidamada Israel Ay Sidoo Kale Bartilmaameed Ka Dhigteen Xarumaha Caafimaadka,

Hay’adda Amnesty Internationalm Oo Kamida Hay’adda Ugu Awooda Wayn Kuwa Xuquuqal Insaanka ayaa Jimcihii ku baaqday in dawladaha caalamku ay kusoo rogaan cunaqabateyn dhanka hubka ah dalka Israel,

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga