Mintidiin la tuhunsan yahay inay xubno ka yihiin kooxda Boko Xaram, ayaa xalay 15 qof ku dilay weerar ay ku qaadeen xaafado ku yaalla waqooyiga bari ee Nigeria, sida ay dadka deegaanka u sheegeen wakaaladda wararka Reuters.

Xaafadaha la weeraray ayaa ku yaalla duleedyada magaalada Maiduguri, oo xarun ah dagaalka ay dowladda kula jirto kooxda Boko Xaram, iyo kooxda Daacish ee Galbeedka Afrika.

Xaafadda Kofa, shan qof ayaa lagu gubay guryahooda. Sidoo kale madaxa xaafadda Dalori, ayaa sheegay in qof lagu dilay xero ay ku jiraan dad soo barakacay, ayada dadka deegaanka Bulabrin ay sheegeen in sagaal qof lagu dilay xaafaddaas.

Milatariga Nigeria ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in hal qof oo rayid ah lagu dilay, markii Boko Xaram ay weerar bililiqeysi ah ku qaadday suuqa Dalori.

Inkasta oo dowladda Nigeria ay sanadii 2015 sheegtay in Boko Xaram laga adkaaday, haddana mintidiintan ayaa awood u yeeshay inay weeraro ka fuliyaan gudaha iyo hareeraha magaalada Maiduguri.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga