In Ku Dhaw 60,000 Oo Muhaajiriin Iyo Barakacayaal Iskugu Jira Ayaa Dhintay Ama La’Waayay Tan Iyo Sanadkii 2014-Ka Sida Lagu Sheegay Baadhitaan Ay Samaysay Wakaaladdda Wararka Associtaed Press, Tiradaas Oo Ah Labanlaab Intii Ay Diwaangalisay Hay’adda Socdaalka Qaramada Midoobay Ee IOM.

Hay’adda Socdaalka Ee IOM Oo Diirada Saaraysa Muhaajiriinta Beegsada Qaarada Yurub Ayaa 1-Dii Bisha October Soo Saartay In 28,500 Oo Qof Oo Muhaajiriin Ahi Ay Dhinteen Intii U Dhaxaysay Sanadaahaaasi.

Wakaaladda Wararka Ee Associated Press Ayaa Sheegtay In 28,000 Oo Dheeraad Ahi ay Dhinteen Ama La Waayay Iyadoo Tixraacaysa Ururo Caalamiya, Baadhitaano Kaydsan, Xogaha Dad La Waayay Ama Dhintay iyo Waraysiyo Laga Qaaday Dad Muhaajiriin Iyo Qaxooti Isugu Jira.

Tusaale Ahaan Wakaalada Wararka Ee Ap Ayaa Tibaaxday In Bishii April Sanadkii 2015-Ka Markii 800 Oo Qof Ay Ku Nafwaayeen Doon Ku Degtay Xeebaha dalka Talyaaniga Ay Baadhayaasha Talyaanigu Sheegeen In Ay Samaynayaan Baadhitaan Ku aadan Inay Xaqiijiyeen Dadka Geeriyooday Iyo Halkay Kasoo Jeedaanba, Muddo Kabadan Saddex Sanno Kadib Dawladda Talyaaniga Ayaa Jartay Kharashkii Lagu Samaynayay Baadhitaankaas.

Waxa Yar Tirada Rasmiga Ah Ee Laga Hayo Muhaajiriinta Koonfurta Amerika Iyo Dalka Venesweela Oo Ka Mid Ah Meelaha Ugu Tirada Badan Caalamka, Iyo Sidoo Kale Tirada Qaaradda Asia Oo Lagu Tilmaamo Tan Ugu Horaysa Dhanka Tahriibka.

Inkasta Oo Uu Socdo Wadahadalka Muhaajiriinta Africa Ee Beegsada Qaaradda Yurub Hadana Dad Ku Dhaw 16 Milyan Oo Qof Ayaa La Sheegay Inay U kala Tahriibeen Africa Dhexdeeda Ama Ku Barakaceen.

Tan Iyo 2014-Kii Dad Gaadhaya 18.000 Oo Qof Ayaa Geeriyooday Iyagoo U Kala Socda Gudaha Qaarada Africa Tiradaas Oo Ay Ku Jiraan In Kabadan 4.000 Oo Ruux Oo aan La Aqoonsan Maydadkooda Sida Ay Sheegtay Ap Oo Xiganaysa Hay’Adda Socdaalka IOM.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga