Wararka nagoo Gaadhaya Magaaladda Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Baay Ayaa Sheegay In Ciidamadda Itoobiya Ee Ku Sugan Magaaladda Baydhabo ay Qafaasheen Sheekh Muktaar Roobow oo Kamid ahaa Musharaxiinta u Tarmaya Xilka Madaxwaynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wararka ayaa intaas Ku Daraya in Mukhtaar Rooboow lagu ballamiyay xarunta madaxtooyada Koonfur Galbeed, kaddibna halkaa ay ka kaxeysteen ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya.

Meelo Kamida magaalada Baydbabo ayaa laga maqlayaa rasaas culus, kaddib markii ciidamada Itoobiya ay xabsiga dhiggeen Mukhtaar Rooboow Abuu-Mansuur.

Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo Fariimo Soo dhigay Baraha Bulshadda ayaa Wax Laga Xumaado ku Tilmaamay Xadhiga Ciidamadda itoobiya u gayteen Sheekh Mushtaar Roobow.

“Waa ayaan darro In ciidamo ajnabi ah loo adeegsado ku xadgudubka muwaadiniin Soomaaliyeed iyo u xoog sheega shadooda,” ayuu Yidhi Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo Kamida Xildhibaanadda Gollaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

“Falkani wuxuu qeyb ka yahay heshiis-yadii qarsoodiga ahaa ee lala galay Ethiopia iyo Eritrea, maalinba maalinta ka danbaysa waxaa Soo cadaanaya wajiga dhabta ah ee madaxda dalkeena,” Ayuu Hadalkiisa sii Raaciyey Xildhibaan Fiqi.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga