Diyaarad milatari oo sidday saraakiil sare ayaa ku dhacday gobolka galbeedka dalka Afghanistan ku yaalla ee Farah, halkaasi oo ay ku dhinteen 25 qof oo diyaaradda saarnaa.

Afhayeenka gobalka ayaa sheegay in diyaaradda oo ahayd nooca qumaatiga u kaca, ay soo dhacday waxyar kadib markii ay ka kacday degmada buuraleyda ee Anar Dara ee gobolka ku teedsan xuduuda Iran ee Herat.

Nasir Mehri ayaa sheegay in taliye ku xigeenkii ciidamada Afghanistan ee galbeedka iyo madaxii golaha gobolka Farah ay ka mid yihiin dadka dhintay.

Waxa uu sheegay in cimillada oo xumeyd darteed ay usoo dhacday diyaaradda.

Kooxda Taliban ayaa sheegatay in dagaalyahannadeeda ay soo rideen diyaaradda oo ay lahaayeen ciidamada qaranka Afghanistan. Ma jirto cid si madax banaan u xaqiijin karta sheegashada.

Dhinaca kale, mas’uuliyiinta Afghanistan ayaa xaqiijiyey in qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay halka laga galo xabsiga ugu weyn dalkaas ee ku yaalla magaalada Kabul ay ku dhinteen lix qof, laguna dhaawacay dad kale oo badan.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga