Madaxweynaha Dalka Turkiga Rejeb Tayib Erdogan Ayaa Si Rasmi Ah U Furay Garoon Cusub Oo Diyaaradeed Kaas oo Laga Hirgaliyay Duleedka Magaalada Istanbuul.

Garoonkan Oo Lagu Sheegay Kan ugu Wayn Caalamka Ayaa Qaadi Doona In Kabadan 90 Million Oo Rakaab Ah Sanadka 2021, iyada oo Lagu Wado In uu Qaadi Doono 200 Million Oo Rakaaab Ah Marka La Dhameeyo Balaadhin Kale Oo Ku Socota, Tiradaas Oo Laba Jeer Ka Badan Tan Garoonka Atlanta Oo Ahaa Ka ugu Mashquulka Badnaa Caalamka Sanadkii Tagay.

Mashruucan oo ay Ku Baxday Lacag Lagu Qiyaasay 12bn oo Dollar Ayaa Lagu Wadaa in ay Istanbul Noqon Doonto Magaalo Muhiim u Ah Isku socodka Qaaradaha Asia, Africa, Iyo Yurub.

Garoonka Diyaaradaha Ee Istanbull Ayaa Sidiisi Caadiga Ahaa u Shaqayn doona ilaa Dhammaadka Sanadka Inta Laga Wareejinayo Sumadda Caalamiga Ah Ee ay Ku Shaqayso.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga