Xeer ilaalinta dalka maraykanka ayaa dacwado dhawr ah kusoo oogtay madaxa dhaqaalaha ee shirkadda Hawei oo ah tan ugu wayn ee ka hawlgasha dalka shiinaha.

Gabadha lagu magacaabo Meng Wanzhou, ayaa loo haystaa dacwado kala duwan.
Dacwadaha laga gudbiyay waxaa ka mid ah, wax isdaba marin lagu sameeyay bangiyo, sharciga Mareykanka oo la baalmaray iyo xatooyo loo geeystay shirakadda technology-adda T Mobile ee laga leeyahay Mareykanka.

Ms Meng ayaa waxaa bishii aynu soo dhaafnay lagu xidhay dalka Canada kadib markii uu mareykanka ka codsaday in la xidho Meng, taasi oo xilligaasi lagu soo edeeyay in ay baalmaratay sharcigii cuna qabataynta lagu soo rogay Iran.

Shirkadda hawei ayaa iska fogaysay eedaymaha iyo danbiyada lagusoo oogay iyagoo shirkaddu sheegtay in masuulkeedu aanu lahayn wax danbi ah.

Bilihii ugu dambeeyay dhawr waddan ayaa soo gubiyay walaac dhanka aminiga ah oo ku aaddan shirkadda Huawei iyadoo Mareykankana uu shirakadaha iyo dalalka ku dhiira galinayay in aysan iibsan wax yaabaha ay soo saarto shirkadda Huawei.

Todobaadkan ayaa la filayaa in madax ka socota dawladda shiinuhu ay gaadhaan dalka maraykanka si loosoo afjaro dagaalka ganaacsi iyo xiisadda ka dhextaagay wadamada ugu dhaqaalha buuran caalmka, lakiin wasiirka ganacsiga ee dalka Mareykanka Wilbur Ross ayaa sheegay in ayna is khusayn dacwadaha loo haysto shirkadda Huawei iyo dadaallada wadada hadallada ganacsiga ee shiinaha iyo Mareykanka.

Maamulka madaxweyne trump ayaa dalka iran kusoo rogay cunaqabtaymo badan, isagoo ka baxay heshiiskii nukliyeerka iran. Tan iyo markaaas wuxuu markanku beegsanayay shirkadaha xidhiidh ganacsi la sameeya dalka iran, waxaana ka mid ah shirkadda hawei oo masuulkan ka tirsan loo haysto in ay jabisay cunaqabtyntaasi.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga