Madaxweynaha Dalka Maraykanka Ayaa Ku Hanjabay in Xaalad Degdeg ah uu Kusoo Rogi Doono Maraykenka, Haadii aanay Xildhibaanada Dimuqraadigu Siinin Lacag uu Ku Dhisayo Gidaar Kala Qaybin Doona Maraykanka Iyo Miksiko.

Madaxweynaha dalka maraykanka Donald trump ayaa ku hanjabay in qaybaha dawladda maraykanka ee xidhan ay sii xidhnaan doonaan sanado hadii aanay xildhibaanadda baarlamaanka ee xisbiga dimuqraadigu ansixinin lacag dhan 5bln oo doolar oo uu miisaaniyadda ku darsaday, si uu ugu dhiso gidaar uu hore u balanqaaday in uu ka samayn doono xadka uu wadankiisu la wadaago dalka miksiko, si uu u joojiyo muhaajiriinta tirada badan ee kasoo gudba xadka soona gala gudaha maraykanka.

Trump ayaa sheegay in madaxda baarlamaanka ee xisbiga dimuqraadiga uu u sheegay in qaybaha dawladda ee xidhan ay sidaa ahaan doonaan bilo ama sanado hadii aanay meel-marin lacagta uu dalbaday.

Dhanka kale madaxweyne trump ayaa xusay in uu xaalad degdeg ah kusoo rogi doono dalka maraykanka, si uu u dhiso darbiga miksiko, xataa hadii aanay meel marin baarlamanku. Hadii uu tallaabadaa qaado madaxweyne trum waxay keeni kartaa in maxkamadaha laysla gaadho.

Dastuurka maraykanka ayaa aqalka hoose ee baaarlamaanka dalkaas awood u siiyay in ay maamulaan dhaqaalaha ay u baahan tahay dawladda federaalku Xisbiga dimuqraadiga ayaa imika leh aqlabiyadda koongareeska ama aqalka hoose ee baarlamanka maraykanka, taas oo madaxweyne trump ku ah caqabad, isla markaana aanu marsiin karin wax kasta oo uu doonayo.

Doorashadii xiliga dhexe ee maraykanka, ayuu xisbiga dimuqraadigu ku guulaystay in uu hanto aqlabiyada koongareeska, taas oo noqotay billawga hirdan cusub oo dhex mari doona madaxweyne trump iyo xildhibaanda dimuqraadiga oo maamula aqalka hoose ee sharcidejinta.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga