Taliyaasha Ciidamada Kala Duwan Ee Somaliland Ayaa Qayb Ka Noqday Weftiga Uu Hogaaminayay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Ee Hore Ugu Sugnaa Dalka Imaraatka Carabta,

Taliyaha Ciidanka Militariga, Taliyaha Ciidanka Booliska, Taliyaha Ilaalada Xeebaha Iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta, Waxa Ku Weheliyay Safarka Wasiirka Xanaanada Xoolaha Iyo Kaluumaysiga, Wasiirka Isgaadhsiinta Iyo Gudoomiyaha Baanka Dhexe,

Weftigan Cusub Ee Ka Daba Tagay Weftigii Hore Ee Madaxweynaha Ayaan Warbaahinta La Hadal, Balse Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Ayaa Hore U Sheegay In Wefti Kale ka Iman Donaan Somaliland,

Madaxweynaha Somaliland Ayaa Sheegay In Waxyaalo Badan Oo Ay Kala Hadleen Imaaradka Carabta Ay Dhamaantood La Qaateen, Isla Markaana Uu Dhowaan La Wada Fulin Doonno Qodobadii Ay Ka Wada Hadleen.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga