Dawladda boqortooyada Sucuudiga ayaa shaacisay in ay laashay dal-ku-galka Cumrada oo aan la siin doonin dadka ka imanaya dibadda waddanka, iyadoo u sababaysay xanuunka coronovirus oo kusii fidaya wadamo badan oo caalamka.

Cumrada ayay dadka Muslimiinta ah ee daafaha dunida ku kala dhaqani uga yimaadaan meel kasta iyo waddan kasta, kasoo bilow galbeedka fog ee Maraykanka illaa bariga Japan.

Sucuudiga ayaa sheegaya in uu ka cabsi qabo in dadka faraha badan ee imanaya Cumrada ay qaarkood qabaan caabuqa Covid-19, isla markaana ay noqoto fursad ay ku qaadaan dad kale oo uu xanuunku sidaa ku faafo.

War kasoo baxay wasaaradda arimaha dibadda ee Sucuudiga ayaa lagu sheegay arintan, iyadoo kaliya laga reebay dadka Sucuudiga u dhashay ee ku baxay kaadhadhkooda dhalashada, balse kuwa baasaaboorada kale sita ayaan xataa la ogolayn muddo kooban.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga