Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada Turkiga ayaa beeniyay eedaymo ay u soo gudbiyeen warbaahinta dowladda Suuriya, oo ahayd in millatariga Turkiga uu hubka kiimikada ah u isticmaalo dadka rayidka

 

“Waa arrin aan suurtogal ahayn in Turkiga uu isticmaalo Hubka Kiimkada ah, Yasin Aktay, oo madax ka ah lataliyaasha madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, ayaa maanta u sheegay Telefishanka Al Jazeera.

 

Hay’adda UNHCR ayaa sheegtay in lix qof ay ku dhaawacmeen duqeyntii Turkiga uu gaystay ee ka dhacay magaalada Al-Haa’id ee gobalka Afrin jimcihii

 

“Ilo caafimaad ayaa xaqiijiyay isticmaalka hubka kiimikada ah intii lagu jiray duqeynta,SANA, oo ah wargeyska rasmiga ah ee suuriya kasoo baxa, ayaa kasoo xigtay dhakhaatiirta maxalliga ah,waxana uu sheegay in lix qof cisbitaal loo dhigay

 

Salkaalka ayaa sidoo kale sheegtay in ciidamadda Turkiga ay sii wiiqmeen howlgalkii ka yaraa awooddooda si looga fogaado khasaaraha dadka rayidka ah

 

Milatariga Turkiga ayaa mar kale beeniyay eedaymo sheegaya in dad rayid ah lagu dilay howlgalkii ay soo bandhigeen Sabtidii

 

Waxa kale oo ay sheegeen in “1,614 argagixisada ah” iyo 32 askari lagu dilay hawlgalka tan iyo bilowgii

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga