Dawladda Sacuudiga ayaa ku Dhawaaqday in ay samaysan doonto hub nukliyeer ah haddii Iiraan oo ay is hayaan ay samaysato hubka Nukliyeerka.

Dhaxal sugaha boqortooyada Maxamed Binu Salmaan ayaa warbaahinta Maraykanka u sheegay in dalkiisu uusan rabin in uu samaysto Nukliyeer.

Iiraan ayaa xaddiday barnaamijkeeda Nukliyeerka sannadkii 2015kii, ka dib markii ay heshiis la gashay qaar ka mid ah dalalka ugu awoodda wayn caalamka.

Sannadihii danbeeyay waxaa sii xoogaystay xiisadda u dhaxaysa Iiraan iyo Sacuudiga,

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga