Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa sheegay in ciidamadda Suuriya aysan joojin karin horumarka ciidamadooda ee Afrin, iyagoo ka jawaabaya warar sheegaya in ciidamadda isbahaysiga Suuriya ay la dagaallami doonaan dagaalyahannada Kurdiyiinta

 

Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu ku qabtay caasimadda Jordan,ayaa uu sheegay in Turkiga ay soo dhaweeyeen ciidamadii Suuriya ee ku jiray Afrin haddii ay tahay inay ka hortagaan dagaalyahannada ka tirsan Waaxda Difaaca Dadka  Kurdida ah (YPG)

 

“Haddii ay sidaas tahay, ma jirto dhibaato, laakiin haddii ay soo galaan Afrin si ay u ilaaliyaan, hadaba su’aashu waxay tahay cidi Ma joojin kartaa ciidanka Turkiga,” ayuu yidhi wasiirka Arimahadibada  Ee Turkiga,

 

Ankara ayaa ka fiirsanaysa Xisbiga Dimuqraadiga ee (PYD), oo ka shaqeeya Suuriya, iyo garabka hubaysan ee YPG, inay noqdaan “kooxo argagixiso ah” oo xidhiidh la leh PKK, kaas oo ka soo horjeeday kacdoonkii hubaysanaa ee dhiigga badan lagu daadiyay ee loo gaystay muddo tobanaan sano ah koonfurta dalka Turkiga.

 

PKK ayaa loo aqoonsaday inay tahay koox argaggixiso ah oo ay ka mid yihiin Mareykanka, Midowga Yurub iyo Turkiga.

 

“Waxaan mar walba muujinnay taageeradayada ku aaddan amniga dhulka Suuriya ..Waxaan nahay mid ka mid ah waddamada taageerada ugu weyn leh,” ayuu yiri Wasiirka arimaha dibada Turkiga.

 

Dagaalyahanada YPG ayaa sheegey inay bilaabeen maalintii ay ku heshiiyeen in ay ciidamadooda u ogolaadaan inay Afrin soo galaan qaybta waqooyi-galbeed ee xudduudda.

 

Nuuri Maxmuud, oo ah afhayeenka YPG, ayaa u sheegay Telefishanka Al Jazeera Maanta in ay ka baaqayaan ciidamada dowladda “si loo ilaaliyo isir mideysan oo Suuriyaaan ah

 

Turkiga iyo Ciidanka Suuriya ee Free Syrian Army (FSA) ayaa bilaabay hawl-galadooda ay ku xoraynayaan xudduudaha koonfureed Ee Afrin

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga