Iyadoo tirada dhimashada ee Bariga Magaalada Quuta ee Dalka Suuriya 470 Sii marayso,Hadana Golaha Ammaanka ee QM ayaa codka qaraarka ah ku raadinaya xal u raadinta 30 maalmood oo xabbad-joojin dalka oo dhan ah.

 

Codbixintii hore ayaa dib loo dhigay dhowr jeer, iyadoo xubnaha goluhu isku dayeen inay ku qanciyaan Ruushka in ay ku heshiiyaan Xal-U helida Dhibaatooyinka Jira.
In ka badan 470 qof, oo ay ku jiraan 150 carruur ah, ayaa lagu dilay xaafadda Dimishiq tan iyo Jimcihii sida laga soo xigtay Hay’adda Sirdoonka ee Suuriya ee Xuquuqda Aadanaha (SOHR).

 
Bariga Quuta Ayaa Naqonaysa dhulkii ugu dambeeyay ee ay ka Soo if – baxaan Xaalado Bina-aadanimo,

 
Qaraarka qabyada ah ee UNSC, oo ay maalgalinayso Kuwait iyo Iswedhen, ayaa loogu talagalay in lagu fuliyo xabbad joojin si loogu oggolaado bixinta gargaarka dadka rayidka ah ee ka soo qaxay xaafadaha la Weerarayo.

 
War saxaafadeed ka soo baxay Maanta xafiiska Qaramada Midoobay ee New York, ayaa lagu sheegay in dib u dhaca ku yimid Codbixinta Xabad Joojinta ay sabab u tahay khilaafka u dhexeeya Ruushka iyo xubnaha kale ee Golaha Ammaanka ee ku saabsan xallinta Dagaalada Magaalada Quuta.

 
Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Suuriya, Steffan, ayaa carabka ku adkeeyay baahida degdegga ah ee xabbad joojinta si loo joojiyo “duqeynta ba’an ee Bariga Magaalada Quuta.

 
Nikki Hailey, Oo Ah Safiirka Maraykanka ee Qaramada Midoobay, ayaa ugu yeedhay Falalka Ruushku “wax aan la rumeysan Karin” Qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitterka.

Xannibaadda ayaa ka hortagtay baahiyaha asaasiga ah, Ee Loo Qabo cuntada iyo daawada,

Intaa waxaa dheer, heerarka nafaqo-xumada ayaa gaadhay heerar aan horay loo arag, sida uu sheegay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xidhiidhinta Arrimaha Bani-aadamnimada.

 
Horraantii toddobaadkan, Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah ayaa cadho ka muujiyay tirada dadka rayidka ah Ee Ku Dhimanaya Dagaalada Magaalada Quuta Ka Socda. Qaramada Midoobey waxay ku baaqday in si deg-dega Loo “joojiyo”Rabshadaha”

 

Boqollaal kun oo qof ayaa ku dhintey intii ay socdeen dagaal sokeeye todoba sano, malaayiin Kalena waxaa lagu qasbay inay ka cararaan dalka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga