Maamulka Puntland ee dalka Soomaaliya ayaa xukuno kala duwan ku riday dhalinyaro la sheegay in ay ka tirsanyihiin kooxda alShabaab, isla markaana dilal badan fuliyeen.

Dhalinyaradan ayay da’doodu tahay 19-sanno jir, waxaana lagu eedeeyay in ay dileen dad badan oo gudaha Gaalkacayo lagu dilay, waxaana xukuntay Maxkamadda Ciidamada ee Puntland.

Magacyada xukumanayaasha:

Farxaan feysal Salaad         (Dil toogasho)
Cabdullaahi Feysal Xuseen (Dil toogasho)
Barkhad Cawil Xirsi Nuur     (Dil toogasho)
Liibaan Aadan Muuse            (Dil toogasho)
C/Qani Farxaan Cabdullaahi  (30 sano xabsi ah)
C/Raxmaan Cawil Maxamed  (20 sano xabsi ah)

Magacyada dadka ay dileen.
1: Gaashaanle sare Cabdirashiid Xaashi (Gebigebi) taliyihii hore ee ciiddanka birmadka gobolka Mudug.
2: Gaashaanle Gaani Cabdiraxmaan Nuur
3: Xildhibaan Mukhtaar Cumar Axmed Tiinle
4: Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Daahir
5: Ibraahim Sheikh Xasan Ciiro
6: Yuusuf Maxamed Xayir.
7:Gaashaanle dhexe Xaashi Aadan Cilmi (Farey)
8:Xiddigle Cismaan Xuseen Ismaaciil
9:Siciid Jaamac Maxamed (Siciid Maaradoona)
10: Cabdi Jaamac Xasan (Cabdi Gubbe).

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga