Madaxweynaha Turkiga Rayyip Erdogan ayaa Maanta Magaalada Cologne Ee Dalka Jarmalka Ka Furay Mid Ka Mid Ah Masaajidada Ugu Weyn Qaaradda Yurub.

Furitaanka Masaajidkan Ayaa Ka Danbeysay Kadib Marki Uu Madaxweyne Erdogan Ku Tagay Jarmalka Booqasho Muran Badan Ka Dhex-Dhalisay Gudaha Jarmalka, Kadib Marki Ay Soo Baxeen Kumanaan Ruux Oo Mudaaharaadayaal Ah Oo Qaarna Ay Kasoo Horjeedaan Erdogan Qaarna Ay Taageerayaan.

Ciidamo Farabadan Oo Boolis Ah Ayaa La Dhigay Magaalada Cologne Si Ay U Ilaaliyaan Amaanka.

Wadahadallo Ay Jimcihi Wada Yeesheen Madaxweyne Erdogan Iyo Ra’iisal Wasaaha Jarmalka Angela Merkel Ayay Labada Hogaamiye Muujiyeen In Ay Isaga Soo Dhawaadeen Mowqifyadi Ad-Adkaa Ee Dhinaca Siyaasadda, Hase Yeeshee Hogaamiyaha Jarmalka Ayaa Carrabka Ku Adkeysay In Ay Wali Jiraan Kala Duwanaansho Qoto Dheer Oo Ku Saleysan Dhinacayda Xuquuqda Madaniga Iyo Arrimo Kale.

Ku Dhawaan 10 Kun Oo Mudaaharaadayaal Kasoo Horjeeda Erdogan Ayaa Isugu Soo Baxay Waddooyinka Cologne. Dadkaan Ayaa Ku Eedeeyay Madaxweyne Erdogan Inuu Caburiyay Saxaafadda, Gabood fallo Dhinaca Xuquuqda aadanah Iyo Gacanta Adag Ee Ay Dowladdu Kula Dhaqanto Kurdiyiinta Laga Tirada Badanyahay.

Kumanaan Kale Oo Taageersan Madaxweynaha Turkiga Ayaa Iyana Isugu Soo Baxay Bannaanka Masaajidka Weyn Ee Magaalada Cologne, Ka Hor Inta Uusan Maanta Madaxweyne Erdogan Si Rasmi Ah Xadhiga Uga Jarin Masaajidkaasi.

In Ka Badan 25 Kun Oo Ruux Ayaa La Sheegay In Ay Ka Qeybgaleen Xaflada Furitaanka Masaajidka Cologne Oo Ka Mid Noqday Masaajidada Ugu Waaweyn Ee Qaaradda Yurub.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga