Ninka oo da’disu tahay 43 Jir Hantiile ah,ayaa waxa uu geeriyooday 12 Sacaacadood ka dib,markii lagu sameeyay Hawl-gal Timo loogu beerayay Cisbitaal ku yaalla Magaaladda MUMBAI ee Dalka HINDIYA.

Ninka ayaa Warbaahinta Deegaanka ay arrintani ka dhacday oo magaciisa ku sheegeen Shrawan Kumar Choudhary,ayaa waxa loola cararay Cisbitaal,ka dib markii ay lasoo deristay Neef-qabataw darani,waxaana in yar ka dib guud ahaanba Jidhkiisa saaqday Xumad-xad dhaaf ah,isaga oo Maalintii Xigtayna u geeriyooday,ka dib markii ay Hawl-gabeen Xubnaha ugu Mihiimsan ee Jidhkiisu,waxaanay Laamaha Ammaanka iyo Kuwa Caafimaadku muujiyeen dareen la xidhiidha suura-galnimadda inay Geeridiisa sababtay Xasaasiyad ay ku sameeyeen Dawooyinkii loo adeegsaday Hawl-galkii Timo-beerista loogu samaynayay.

Sidoo kale wararka la xidhiidha waxyaabaha loo badinayo inuu sababay Dhimashadiisa ayaa waxa ay tahay isaga oo Dhakhaatiirtii Qaliinka ku samaynayay ka dalbaday in hal meel lagu wada beero 9,000 oo Timo ah, iyada oo caadi ahaan la sheegay in halkii goob-ba lagu beero 3,000,waxaana ka dib dhimashaddiisa su’aalo badan lagaga keenay sababtay Bahda Caafimaadku uga ogolaadeen Dalabkiisa, maadama ay ku lammaan tahay Khatar Caafimaad.

Mr Shrawan oo ahaa Mulkiilaha Shirkadda Bixisa La-Talinta oo si weyn loogu xidhan yahay Guud ahaanba Dalka HINDIYA, ayaa waxa la tilmaamay in hawshaas timaha loogu beerayay uu ku bixiyay 500,000 Oo ah Lacagta Rupedka loo yaqaano ee Dalkaasi,taas oo u dhiganta 5,400 oo Pound.

Dedaalo badan oo ay sameeyeen Bahda Caafimaadka ee Cisbitaaladda Magaakadda MUMBAI umay suuragalin inay badbaadiyaan Bukaanka.

Mr Choudhary,waxa la sheegay in aanu qoyskiisa la socod-siinan inuu galayo qallinka Timaha loogu beerayo.

Ka dib markii ay dhacdadani soo shaac-baxday,waxay Laamaha ammaanka Dalkaasi bilaabeen baadhitaano la xidhiidha in qallinka lagu sameeyay Bukaanku uu yahay waxa dhimashadda sababay iyo haddii ay jiri karaan asbaab kale oo uu Bukaanku eersaday.

Urur ay ku midaysan yihiin Dhakhaatiirka qallinka ee Dalka HINDIYA,kuwaas oo lagu magacaabo;India’s Association of Aesthetic Plastic Surgeons,waxay ku doodaan in inta badan marka la sameeyo qalliino noocan oo kale ah ay tahay inuu Bukaanku aanu Goobta ka bixin muddo 24 Sacaadood ah,iyada oo ay ku war-heleen in Bukaankan loo badinayo inuu sababaystay qalliinka lagu sameeyay uu goobta Caafimaad ka baxay ka hor intaanu dhamays 24 sacaacood.

Qalliinadda Timo-beerista ayaa haatan soo gaadhay Dhulka Somaliddu,iyada oo Dadka Bidaartu saamayn ku leedahay Muddo dheer naawilayeen xal ay u helaan Bidaar ay u arkaan inay Xiligeedii kasoo hor-martay,balse dhacdooyinka Caafimaad-daro ee lasoo tabinayo inay ku lamaan tahay Hawl-galanaddan ayaa iyana u baahan fignaan dheeri ah,waxaanay xeel-dheerayaasha Caafimaadka soo jeedinayaan inuu qofku maro Baadhitaan Caafimaad ka hor in taanu galin qallinadan noocan ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga