Wasiirka Arrimaha Dibedda Ee Kuuriya Koonfureed, Oo Khudbad Ka Jeedinayay Shirka Guud Ee Gollaha Amaanka Ee Qaramada Midoobay, Ayaa Sheegay In aan Dalkiisu Burburinayn Hubka Nukliyeerka Inta ay saaran yihiin cunaqabataynihii La Saaray.

Wasiirka Ayaa Sii sheegay In Cunaqabataynahan Wali Loogu Sii Hayo Kalsooni Darrada Maraykanka.

Kuuriyada Woqooyi Oo Muddooyinki Dambe Samaysay Furfurnaan Ayaa Waxa Ay Qaramada Midoobay Iyo Mareykanka Ka Codsatay In Laga Qaado Cunaqabataynaha Saaran, Iyaduna Waxa Ay Ballan Qaadday In ay ka Takhalusayso Hubkeeda Nukliyeerka.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, Ayaa Bishii Juun Kulan Taariikhi Ah La Yeeshay Hoggaamiyaha Kuuriya Woqooyin, Kim John Un. Waxaana ay Isku Afgarteen Sidii Gacanka Kuuriya Looga Sifayn Lahaa Hubka Nukliyeerka.

Wasiirka Ayaa Khudbaddiisa Ku Sheegay In Kalsoonidarrada Mareykanka, Ay Keenayso In aanay Cidna Ku aaminin Amnigooda.

Madaxweynaha Maraykanka Waxa Uu Shiinaha Ku Eedeeyay Inuu Hor Taagan Yahay In Ay Kuuriyadda Koonfureed Ku Dhaqaaqdo Fulinta Heshiiskii Burburinta Hubka Nukliyeerka. Shiinaha Oo Xulafo La Ah Kuuriya Waqooyi, Ayuu Sheegay Trump Inuu Uga Faa’Daysanayo Dagaalka Dhaqaale Ee Maraykanka Kala Dhexeeya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga