Kuuriyada Waqooyi waxay tijaabisay gantaal kale oo walaac wayn ay ka muujiyeen dawladaha ay is didan yihiin.

Markan waa gantaalkii ugu waynaa e ay tijaabiso Pyongyang tan iyo sanadkii 2017, markaas oo gantaal duqayn kara aagag fog ay tijaabisay.

Gantaalkan ayaa lagu sheegay kuwa lidka dhexe kadib xawaaraha uu jarayay iyop jooga uu kacay oo lagu sheegay 2000 km.

Wuxuu ku degay Badda Japan waana arin welwel galisay xukuumada Tokyo oo marar badan cambaaraysay tijaabooyinka dawladda mayalka adag ee Kuuriya Waqooyi.

Dawladaha Maraykanka, Kuuriyada Koonfureed iyo Japan ayaa siyaabo kala duwan ugahadlay tijaabada cusub ee Waqooyiga Kuuriya, inkasta oo ay ka sinaayeen cambaarayn ay u jeediyeen iyo walaac ay soo saareen.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga