Xaaladda degdegga ah ee lagaga dhawaaqay Itoobiya ayaa socon doonta muddo lix bilood ah, sida uu wasiirka difaaca u sheegay warbaahinta, iyada oo xukuumaddu ay doonayso in ay xakamayso kacdoonnada siyaasadeed ee mudada dheer dalbanaya xorriyada

Qaraarkan ayaa markii ugu horreysay lagaga dhawaaqay warbaahinta dawlada ka dib markii uu golaha wasiirrada kulmay jimcihii,

“waxaa ka mid ah mamnuucida dibad baxyada iyo faafinta dacaayadaha “laga yaabo inay kicin karaan Bulshada”, Siraj Fegessa oo ah warsiirka Difaaca ayaa Warbaahinta u sheegay Maanta

“Dowladdu waxay horay u sameysay dadaallo dhowr ah ay ku joojinayso rabshadaha,
laakiin noloshu waa sidii oo Shacab badan ayaa ku barakacay sidoo kalana kaabayaal dhaqaale ayaa la burburiyay,”sida uu sheegay warsiirka Difaaca

Xaaladda Degdegga ah ee Itoopiya ayaa loo Gudbin doonaa Baarlamaanka muddo 15 maalmood gudahood,

Khamiistii, Hailemariam Desalegn waxa uu ku dhawaaqay inuu iska casilayo Xilka ra’iisul wasaare

Waxa uu ku Sababeeyay iscasilaadiisa “daganaanshaha iyo xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan dalka oo aw ku tilaamay arrimo muhiim u ah istiqaaladiisa in uu dhiibo iyo waliba dib-u-habeyn lagu sii wadi karo nabad waarta iyo dimuqraadiyad”

Tani waa markii labaad ee xaalad degdeg lagaga dhawaaqo Itoobiya labadii sano ee la soo dhaafay

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga