Dawladda Iran ayaa la tacaalaysa fiditaanka xanuunka Covid-19 ee ka tirsan bah-waynta Coronovirus, kaas oo si xawli ah ugu fidaya gudaha dalkan oo ah kan labaad ugu dhimashada badan marka laga yimaado Shiinaha.

Illaa 22 qof ayaa la xaqiijiyay in ay xanuunka u geeriyoodeen, halka dad ka badan 140 qof ay qaadeen caabuqa tan iyo markii uu soo gaadhay Iran.

Xukuumadda Tehran ayaa la sheegay in ay qarinayso xogta dhabta ah ee xanuunka, iyadoo diiday in ay xakamayso magaalooyinka ay bukaanada ugu badani joogaan. Xukuumadda ayaa ku adkaysanaysa in caabuqa ay la tacaalayso ee aanay soo rogi doonin xaalad-degdeg ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga