Jasiiradda Lombok ee dalka Indonesia waxaa mar kale ku dhuftay dhulgariir xoogan,kadib laba todobaad oo halkaasi ay ku dhinteen in ka badan 460-ruux.
Dhulgariirka maanta ku dhuftay,ayaa cabirkiisa lagu sheegay 6.3,kaas oo saameyn ku yeeshay dhul gaadhaya ballac ahaan 7-km, mana cadda illaa hadda waxyeelada uu geystay dhulgariirkaasi.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in dhulgariirkaasi laga Dareemay Bariga Jasiiraddaasi,waxaana dad badan oo cararaya ay isugu tageen waddooyinka.
Dhulgariirkii ugu dambeeyay ee 5-tii bishaan, waxaa ku barakacay boqolaal kun oo ruux,waxaana Jasiiraddaasi cabirkeeda lagu sheegaa 4500 km oo isku wareeg ah.