Ciidammada ammaanka iyo hay’adaha sirdoonka dalka Madagaskar oo ah jasiirad ku taal badweynaha Hindiya ee bariga qaaradda Afrika ayaa sheegay inay fashiliyeen shirqool la doonayey in lagu khaarajiyo Madaxweynaha waddankaas Andry Rajoelina.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee waddanka Madagaskar oo saxaafadda la hadlay maanta ayaa caddeeyey in xabsiga la dhigay eedaysanayaal isugu jira ajaanib iyo muwaadiniin oo la tuhunsan yahay inay maleegayeen falal shirqool ahaa oo la doonayey in lagu dilo Madaxweynaha Jasiirada Madagaskar.

Ma jirto faahfaahin kale oo dheeraad ah oo ay dowladdu ka soo saartay cidda maleegaysay falka shirqoolka ahaa iyo sababta loo bartimaameedsaday Madaxweynaha Madagaskar, balse sida Xeer-ilaaliyaha Guud ee dalkaas sheegay waxa kaloo jira siyaasiyiin iyo masuuliyiin sare oo iyagana la doonayey in la dilo, kuwaas oo hadda ammaankooda la xoojiyey, iyadoo ay dowladdu falkaas shirqoolka ahna ku tilmaantay weerar ka dhan ahaa amniga guud ee qaranka dalkooda.

Sidoo kale, hadalka Xeer-ilaaliyaha Guud laguma faahfaahin magacyada dadka loo tuhunsan yahay inay weerarkan fuliyeen iyo dalalka ay ka soo jeedaan xubnaha ajaanibka ah ee falkaas loo xidhay, halka sidoo kale aan la caddayn in weerarkani ahaa mid laga qorsheeyey gudaha dalka Madagaskar iyo in laga soo abaabulay meel kale oo ka baxsan dalkaas.

Madaxweynaha Madagaskar ee la doonayey in la khaarajiyo waxa uu talada dalkaas loo dhaariyey bishii January ee sannadkii 2019, kadib markii uu ku guulaystay doorasho si adag loogu loolamay oo dalkaas ka dhacday, iyadoo ay mucaaridkii doorashadaas lagaga guulaystayna ku doodeen in la musuqay natiijada, waxayna dacwad ka furteen Maxkamadda Dastuuriga, balse waxa ay Maxkamaddu markii dambe go’aamisay inay ansax tahay natiijada doorashadu.

Sidoo kale, 26 June 2021, millatariga dalkaas ayaa sheegay inay fashiliyeen shirqool la doonayey in lagu dilo Taliyaha ciidanka qaranka Madagaskar, iyadoo uu taliyahaasina yahay gacanta midig ee Madaxweynaha isna hadda la doonayey in la dilo, waxaanna la aaminsan yahay inuu jiro guux hoose iyo shirqoolo dibadeed oo ka dhan ah madaxda ugu saraysa ee dalkaas.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga