Ra’iisal Wasaaraha dalka ingiriiska Theresa may ayaa baarlamaanka dalkeeda uga digtay in ay iska hortaagaan heshiiska ay ku damacsantahay in dalka ingiriisku kaga baxo midawga yurub, waxay ku tilmaantay in hadii heshiisku fashilmo ay dhaawacayso kalsoonida lagu qabo dimuqraadiyadda dalka ingiriiska.

Laba maalmood ka dib oo ku beegan maalinta salaasada, ayay baarlamaanka ingiriisku u balansanyihiin in ay cod u qaadaan heshiiska qabyada ah ee ay wadato xukuumada Theresa May, kuna doonayso in ingiriisku kaga baxao yurub inteeda kale. Waxay u badan tahay in Xildhibaanadu ay heshiiska dib ugu celiyaan Ra’iisal Wasaare may oo halgan ugu jirta sidii ay heshiiskan u marsiin lahayd baarlamaanka.

Xildhibaanada xisbiga mucaaridka ee labourka ayaa hore u balanqaaday in ay kasoo horjeesan doonaan heshiiskan, waxa sidoo kale la filayaa in xildhibaano ka tirsan xisbiga Ra’iisal Wasaare may ee conservativeku ay diidi doonaan heshiiska oo ay ka biyo diidsanyihiin.

Hadii u baarlamaanku ansixin waayo heshiiska ay Theresa may la gaadhay midawga yurub, isla markaana aanu iman xal kale, waxay u badan tahay in ingiriisku uu ka baxo midawga yurub heshiiis la’aan, taas oo micnaheedu yahay in sharciyada midawga yurub aanay qaban doonin dawladda ingiriiska marka la gaadho 29-ka bisha march ee sanadkan oo la filayo in ingiriisku uu gebi ahaanba ka baxo midawga yurub.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga