Warsaxaafadeed kasoo baxay guddida ka hortagga iyo u diyaargarowga cudurka Coronavirus ee Somaliland ayay kusoo saareen go’aamo cusub, kuwaas oo ay ku sheegeen in lagu xakamayno faafitaanka cudurka ee bulshada dhexdeeda, kadib markii ay Somaliland ku dhawaaqday in saddex qof oo cusub laga helay cudurka Covid-19 maanta oo Isniin ah.

Qodobada ay guddidu soo saareen, ayaa waxaa kamid ahaa:

Inay bulshadu masaajiddada ka maqnaadaan muddo 4 todobaad ah laga bilaabo 15 Bishan Abriil ayna ku tukadaan guryahooda si looga baaqsado faafidda cudurka Covid-19 iyadoo mu’adiniinta masaajiddadana loogu baaqay inay eedaanka ku daraan guryihiinna ku tukada ‘’Saalaatu fiirixaalikum’’, iyadoo sida ay guddidu sheegtay go’aankan lagu saleeyay talo soo jeedintii culimada Somaliland ee 4-tii bishan Abriil kuna saabsanayd kahortagga cudurka Covid-19 taas oo ahayd in shareecadeenna Suubban ee Islaamku ay u bannaysay umadda in jimcaha iyo jamaacada laga maqnaan karo haddii la helo lana xaqiijiyo daruuro adag sida xanuunnada faafa iyo wixii lamid ah.

Waxaa muddo 4 todobaad ah lagu daray muddada ay sii xidhnaan doonaan goobaha waxbarashada ee guud ahaan dalka, taas oo ka bilaabmaysa 18 bishan abriil

Waxaa xidhnaan doona xadka dhulka ee ay Somaliland la leedahay dalalka Jabbuuti, Itoobiya iyo Soomaaliya iyo guud ahaan marsooyinka marka laga reebo ta Berbera oo ay kasoo degi karaan waxyaabaha daruuriga ah sida raashinka, shidaalka, dawooyinka, qalabka caafimaadka iyo badeecadaha ganacsiga.

Go’aamada kasoo baxay guddida kahortagga iyo u diyaargarowga cudurka Coronavirus ee Somaliland, ayaa sidoo kale waxaa kamid ahaa:

 Mulkiileyaasha iyo wadayaasha basaska dadwaynuhu adeegsadaan ee ka shaqeeya magaalooyinka waawayn dhexdoodu ay dhimaan rakaabka 50% laga bilaabo 15 bisha Abriil, guddida, ayaa sheegtay in baskii qaadi jiray 30 qof loo ogol yahay 15 qof, kii qaaday jiray 15 qofna loo ogol yahay 7 qof. Iyadoo guddidu sheegtay in iyana basaska u baxa gobollada dalku ay kala siman yihiin basaska magaalada dhexdeeda ka shaqeeya dhimidda rakaabka 50%.

Guddida ayaa sheegtay in gaadiidka yaryar ay iyana u kala qaadi doonaan rakaabka sidan:

 Gaadhiga Vitz-t ah waxaa loo ogol yahay hal qof

Probox-ka laba qof

Bajaajtana qof keliya.

Guddidu waxay sheegeen in isbedelka qiimaha lagu raacayo gaadiidka ee iman kara, ay isla goynayaan maamullada gobollada iyo degmooyinka, iskaashatooyinka iyo mulkiileyaasha gaadiidka dadwaynuhu si dhakhso ah.

Go’aamada ay soo saareen guddidu, ayaa waxaa kamid ah oo kale in dhammaan dadka ajaanibta ah ee aan lahayn sharci ay dalka ku joogaan lagu wargelinayo inay dalka kaga baxaan muddo muddo shan cisho gudahooda ah, taas oo ka bilaabmaysa 15 bishan Abriil.

Gebagabada warsaxaafadeedka kasoo baxay guddida kahortagga iyo u diyaargarowga cudurka Coronavirus ayaa sheegay in ciddii u hoggaansami wayda go’aamada kasoo baxay guddida ka hortagga iyo du diyaar garowga cudurka Coronavirus, ay mutaysan karto ganaax iyo xadhig.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga